Faah-faahino kasoo baxaya duqeymo ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Deegaanka Ciid Ciid oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabelaha Dhexe, waxaa ku godoonsan, sida la sheegay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo maalmo ka dagaalamaya halkaasi.

 

Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa isku hareereeyay halkaasi iyada oo hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha wax bam gareeya oo ay leeyihiin saaxiibada caalamiga ah.

Degaankan iyo kuwo hoos yimada waxaa maanta ka dhacay duqaymo diyaaradeed, kuwaas oo lala beegsadey ilaa 4 saldhig oo ay joogeen xubnaha Al-Shabaab.

Khasaraha lama oga, walina duqaymuhu waa ay socdaan, kuwaasi oo aan kala joogsi lahayn, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegene ilo dadka deegaanka ah.

Saraakiil u hadashay dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in la soo afjari doono dagaalka Ciid Ciid oo maalma qaatay, waxaana ay tilmaameen in tiro dhowr boqol oo kamid ah Al-Shabaab ay ku go’doonsan yihiin halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here