Faah-faahino kasoo baxaya dab ka kacay suuqa degmada Awdheegle + Sawirro

0

AWDHEEGLE (SMN) –  Waxaa dab xoogan oo baabi’iyay hanti badan uu xala6 ka kacay gudaha suuqa degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Suuqan oo ahaa kan ugu weyn ee degmada Awdheegle ayaa waxaa qabsaday dab ka dhashay Koronto, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Maxamed ibraahim Barre ayaa ka warbixiyay dabka ka kacay suuqa degmada Awdheegle iyo baaxadda khasaaraha uu gaystay, intaba.

Barre ayaa sheegay in dabka uu khasaaro gaarsiiyay gebi ahaan suuqa degmada, wuxuuna tilmaamay inay ku gubatay hanti fara badan.

Awdheegle ayaa kamid ah degmyooyinka ugu qadiimsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dabka ka kacay suuqeeda uu ku soo aaday ayada oo ay ganacsatada u diyaar garoobayeen munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here