Faah-faahino kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamada HirShabelle iyo kuwa taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State oo ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas.

 

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu qarxay saqdii dhexe ee xalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 3 qof, kuna dhaawacmeen 5 kale oo ah dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here