Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Buurdhuubo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmadaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka, kadib dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac uu ka dhacay halkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan, walow aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here