Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidamada dalka Kenya & xoogaga Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Hoosingow oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee deegaankaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu dagaalka socday ay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa, walow aan la caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Hoosingow haatan howl-gallo wadajir ah ka wada ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here