Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Mudug + Khasaaraha

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed uu ka dhacay deegaanka Dhagtuur oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Somalia.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gabar yar oo lagala baxay gurigeeda, kadibna la sheegay in kufsi loogu geystay duleedka deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka dhex-maray labada dhinac ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ka howl-gala gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here