Faah faahino kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliska booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa faah faahin ka bixiyey iska hor imaad hubeysan oo xalay ka dhacay gudaha magaaladaas oo xarun u ah Galmudug.

Is-rasaaseynta ayaa waxaa la sheegay inay u dhexeysay ciidamo kala taabacsan musharixiinta Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo labaduba haatan ku sugan Dhuusamareeb, una tartamaya Golaha Shacabka Soomaaliya.

Taliyaha saldhigga Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame ayaa warbaahinta u sheegay in la xiray askarta dagaalantay, isla-markaana lasoo taagi doono maxkamad.

“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada,”ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray musharixiinta ciidamada wata ee ku sugan caasimadda Galmudug, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin fal kasta oo liddi ku ah amniga.

Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here