Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay xalay rag hubeysan ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Warta Nabadda, waxaana mas’uuliyaddisa sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

Magaca ninka la dilay ayey Al-Shabaab ku sheegeen Ismaaciil Maxamed Aadan, waxaana ay tilmaameen inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la sheegay inay goobta gaareen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, balse weli ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen.

Muqdisho ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay howl-gallo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here