Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Laascaanood

0

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay mas’uul ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Somaliland lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland ee Sool Cabdullahi Laba-Go’le ayaa lagu dilay bartamaha Laascaanood.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli aan cidna loo soo qaban dilka loo geystay marxuumka, inkastoo Booliska Somaliland uu wado howl-gal ku aadan falkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here