Muxuu Rooble ka yiri shaacinta musharaxiinta Aqalka sare ee K/Galbeed?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda.

Ra’iisal wasaare ayaa u rajeeyay doorashadu Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo in ay  ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa gelinkii dambe ee maanta shaaciyay magacyada xubnaha musharaxiinta Aqalka sare, kuwaas oo doorashadooda dhici doonta, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen guddiga maamulka doorashada Koonfur galbeed maalinta isniinta ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here