Faah faahino kasoo baxaya dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Koofurta Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in duuleedka magaaladaasi laga helay meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah.

Dilka labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa la sheegay iney geysteen rag hubeysan, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen wiilasha dhalinyarada, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeyaa dilka labadaan wiil, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu salka ku haayo dilka anooyin qabiil.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee maamlka Galmudug ayaa meydadka labada wiil ku wareejiyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdi Muumin Cabdi Shire, waxaana taliska ciidanka Booliiska Galmudug ay sheegeen ine socdaan howlhalo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay dilka labada dhalinyarada.

Taliyaha ciidanka Booliiska Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ragii ka dambeeyay dilka qof shacab ahaa oo xalay lagu dilay Koofurta magaalada Gaalkacyo oo u baxsaday dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Dilalkaan saacadahii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Gaalkacyo maysan sheegin taliska labada maamul ee Galmudug iyo Puntland waxa ay salka ku hayaan, inkastoo wararka soo baxaya ay sheegayaan iney yihiin dilal salka ku haayo aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here