Faah faahino kasoo baxaya hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, xilli uu ka socday kulan u dhexeeyo xildhibaanada labada Aqal.

Hoobiyeyaasha ayaa soo dhacay, xilli ay xildhibaanada Baarlamaanka ka doodayeen habraaca doorashada guddoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhaawac ah oo ka dhashay hoobiyeyaashaasi, waxaana xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah laba ka mid ah askarta ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sida uu isaguba u xaqiijiyey Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaan ay shaacisay in madaafiicda ay la beegsatay xarunta Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here