Faah faahino kasoo baxaya howl-gallo laga sameeyey magaalada Jowhar

0

Ciidamada amniga ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga saaka waxa ay ka sameeyeen qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafadda Hanti-wadaag oo xalay weerarro Bam loo adeegsaday ay ka dhaceen.

Saaraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa waxa ay shaaciyeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay, isla-markaana ciidamada amniga si wanaagsan ula dhaqmeen shacabka.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan martigelineysa doorashada xildhibaanada golaha Aqalka sare ku matali doona maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here