Faah faahino kasoo baxaya howlgallo laga sameeyey Muqdisho + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo ay xalay ciiidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Booliska iyo kuwa NISA, iyaga oo ka sameeyey Isgoysyada, Shaqaalaha, Howlwadaag, Jid Mareexaan, Carwo Idko, Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ujeedka howlgalladan ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xaqiijinayey amniga, sidoo kalena looga hortegayey kooxaha habeenadii dhaca ka geysta caasimadda.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan baaritaanada, isla-markaana ay u diyaar garoobayaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo sidoo kale dhac baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here