MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo saq-dhexe lagu guuleystay in la damiyo.
Dabka oo dhowr saacadood socday ayaa si weyn ugu faafay goobaha ganacsiga ee ku yaala Isgoyska Banaadir, walow dadaalo badan oo ay sameyeen shaqaalaha gurmadka deg dega ah ay u suurta gashay iney damiyaan dabka.
Sidoo kalw dab damis kala duwan iyo ciidamada amaanka oo gaaray goobta oo dabka kacay oo inta badan ay ku yaalaan xarrumo ganacsi oo u badan Dukaano, Carwooyin iyo Makiinado lagu shiido Saliid Macsarada.
Agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka Banaadir Cabdiqani Dhaloole ayaa sheegay in dabka uu sababay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab damiska .
Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka kacay, hayeeshee shaqaalaha gurmadka deg dega iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan baaxadda khasaaraha ka dhashay dabka iyo waxa sababay, islamarkaana dib ay kasoo sheegi doonaan.
Xaaladda goobta ayaa ah mid ka duwan sidii hore, waxaana burbur uu ka muuqdaa nawaaxiga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.