Faah faahino kasoo baxaya qarax lala eegtay ciidanka Burundi + khasaaraha

0

Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kolonyo ka tirsan ciidamada howlgalka ATMIS ex AMISOM qarax lagula eegtay duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay haleeshay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada Burundi, xilli ay marayey deegaanka Buurane.

Ciidamada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xilliga ay kulmayeen weerarka qaraxa ah ay howlgal roondo ah ka wadeen halkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi, sidoo kalena ku burburisay gaari dagaal.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS yo maamulka degmada Mahadaay oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala kooshayaan koonfura iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here