Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay degmada Wadajir

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax la sheegay inuu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa bar koontarool oo laga galo xerada Xalane iyo mida ciidamada ee Jeneraal Gordon.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daray in goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd meel gaadiidka looga qaado lacago canshuuro ah.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan xaaladda goobta la qarxiyey ay tahay mid aad u kacsan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo weerarka sheegatay ayaa shaacisay inay qaraxan ku dileen 11 qof, ayna ku dhaawaceen illaa 16 kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, qaraxaan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here