Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Danab barqanimadi maanta lagula eegtay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay inuu ka dhacay inta u dhexeyso Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi qaraxa ah loo adeegsaday inuu ku dhowaacamay illaa 3 askari, kuwaas oo dhaawacyadooda loo soo qaaday dhanka degmada Dhuusamareeb.

Sidoo kale ciidamada lala beegsaday qaraxa ayaa howl-gal ka sameeyey waddada Ceeldheere, balse ma jirto illaa iyo hadda faah faahin laga bixiyey qaraxaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here