Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Marka

0

Marka (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxaan oo la sheegay in uu ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay gudaha garaash ku yaalla agagaarka saldhigga Booliska ee magaalada Marka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo Shabelle ay la xariirtay ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan qaraxaas, balse waxa ay xaqiijiyeen inay weli wadaan baaritaano.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ku dhintay nin lagu magacaabi jiray Saciid Jalbow oo caan ka ahaan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Xalada ayaa hadda ah mid deggan, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka ee ka howl-galka halkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here