Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamaiga Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kuwait Dr; Axmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, ka dib kulan ay ku yeesheen dalka Maraykanka.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu habboon ee loo sii xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo sidii loo horumarin lahaa dano wanaagga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadannay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay ariintaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulanka ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kalfahdiga 67 -aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here