Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, labo kalana waa ay ku dhaawacmeen, kadib Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Hariyar ayaa ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib (Najiib Carab) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Koontaroolka Ciidanka ee Isgoyska Carwa Idko, kadibna uu qarxay iyadoo ay ku daba jiraan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in qofkii waday oo kaliya uu ku naf-waayay qaraxa gaarigan.

Ciidamada Amniga ayaa xoojiyay sugidda ammaanka gobolka Banaadir, maadaama lagu jiro, xilli doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here