Faah-faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimadda ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday maqaayad ay dad badan fadhiyeen oo ku taalla dhabarka dambe ee xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka:-

WARSAXAAFADEEDKA BOOLISKA

Degmada Xamar weyne, Maanta 16 Jan 2024, abaaro 11:40Am, yaa qof naftii haligaa isku qarxiyay banaanka hore ee makhaayada Alhindi. Qasaaraha ka dhashay, ayaa ah Dhimasho 3 iyo Dhaawaca 2 qofood oo goobta ka dhawaa.

Ciidanka Boliiska oo goobta ka dhawaa ayaa eryanayay Hafti-haliga, wuxuuna qarxay isaga oo ciidanka ka cararaya.

Hada, Ciidamada amaanka ayaa goobta ku sugan waxaan socota baarista, si aan wax faahfaahsan dadka ula wadaagno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here