Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay goordhow Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Qaraxa ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna si gaar ah uga dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim oo ku taalla degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu geystay khasaare dhamasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray arday iyo dad kale oo shacab ah oo marayey wadada dhinaceeda.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here