Faah-faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose + Khasaaraha

0

JASIIRA (SNN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ceel Baqal, waxaana lala eegtay guddoomiye ku xigeenkii hore ee deegaanka Jaziir Xuseen Jilacow Maxamuud, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkaasi uu ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ku dhintay laba askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro iyo qaraxyo ka fulisa deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here