Faah faahino kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Weerarada oo loo adeegsaday bam-gacmeedyo ayaa waxaa lagu qaaday xarumaha laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaaladaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dhinaca kale saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa bilaabay howl-gallo, kadib qaraxyada ka dhacay Boosaaso, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan, waxaana xaafadaha qaar lagu arkayaa ciidamada ammaanka oo baaritaano ka wada halkaasi.

Boosaaso ayaa waxaa in dhawaanahan ka jirtay xiisad u dhexeysa Puntland iyo PSF, waxaana magaaladaan ay ku mid tahay goobaha loo qorsheeyey doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here