Faah faahino kasoo baxaya rasaas laga maqlay xabsiga dhexe ee Hargeysa

0

Haregysa (SMN) – Wararka ka imaanaya caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in rasaas ay ka socota gudaha Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, iyada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayo meelo kala duwan oo magaalada ah.

Ilaa hadda ma jiraan wax fafaahin ah oo ka soo baxay dagaalkaasi, balse waxaa Xabsiga lagu soo kordhiyay ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri.

Sidoo kale ciidmada ayaa xiray Wariyeyaal ay ka mid yihiin Maxamed Ilig, Hassan Galeydh iyo Axmed Maxamuud Yuusuf oo goobta u tegay inay soo tebiyaan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oona weli rasaas xoogan laga maqlayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here