Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay duleedka degmada Afgooye

0

AFGOOYE (SMN) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Afgooye.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Uganda oo deganaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Cadow Dibile iyo xubnaha weerarka qaaday.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan ku dishay saddex askari oo miino baaris u qaabilsanaa ciidamada Uganda ee AMISOM, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca AMISOM iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaas & dagaalka xigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here