Faahfaahin ku saabsan duqeyn ka dhacday magaalada Ceelbuur

0

CEELBUUR (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Ceeblbuur ee gobolka Galgauud.

 

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu beegsaday goob ay ku shirayeen xubnaha Al-Shabaab, isla-markaana meesha lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ku sugnaa halkaasi.

Xubnaha la dilay waxaa ka mid ah madaxii maaliyadda kooxda Alshabaab ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ceelbuur ayaa kamid ah magaalooyin ay dhawaan dowladdu la wareegtay, balse ay markii dambe ciidanku kasoo baxeen, waxaana dib ula wareegay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here