Faahfaahino ka soo baxaya howlgal ka dhacay degmada Dayniile

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

 

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyay xaafadda Ciise Cabdi iyo agagaarkeeda, halkaas oo ay ciidamadu ka sameeyeen baaritaano.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka-dooriya iyo dadka isticmaala.

Inta uu howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, waxaana kula hadlay saraakiisha laamaha ammaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo amni xaqiijin ah ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo kaashanaya ciidanka cusub ee Boolis-Milatari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here