Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo dhowr bilood ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

 

Labada dhinac ayaa gurmadyo kala duwan helayo, kuwaas abaabul xoogan ka wada bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.

SSC ayaa lagu soo warramayaa inay heshay gurmad ciidan, waxaana lagu wareejiyay illaa 64 askari oo wata hubkooda, kuwaas oo ka barbar dagaalamaya ciidamada deegaanka.

Ciidamadan ayaa waxaa SSC-Khaatumo ku wareejiyay mid kamid ah beelaha dega gobolka Sanaag, taas oo shaacisay inay garab istaageyso reer Laascaanood.

Qaar kamid ah askarta lagu wareejiyay hoggaanka SSC-khaatumo ayaa la hadlay warbaahinta, ayaga oo sheegay inay qayb ka noqonayaan dagaalka lagula jiro Somaliland.

Dhanka kale, Somaliland ayaa iyaduna ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay aagga xeerada Goojacadde, kuwaas oo iyaguna guluf dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Arrintan ayaa sii hurineysa xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood oo markale cirka isku shareertay, markii todobaadkii la soo dhaafay ay dagaalladu dib uga qaxeen halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here