Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka socda duleedka Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Sida uu ku soo warramaya Wariyaha Shabelle ee magaalada Dhuusamareeb, Cabdifitaax Yuusuf Beereed waxaa haatan dagaal culus oo ka socdaa waqooyiga magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed.

 

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45 KM u jira waqooyiga magaaladaas oo caasimad u ah dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo kasoo kala jeedo degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa jira dhaawacyo laga soo qaaday halka lagu dagaalamayo, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug oo ku aadan dagaalka ka qarxay deegaanka Xananbuure ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here