Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararna naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka deegaanka Farlibaax oo ka tirsan gobolkaas oo dhaca bartamaha dalka.

 

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen meel qiyaastii 60 KM u jirta deegaankaasi, waxaana kadib xigay dagala toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Taliyaha saldhigga Farlibaax Salaad Sheekh oo u warranay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkan, isaga oo sheegay inay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay la wareegeen goobta lagu dagaalamay, isla-markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay Al-Shabaab wajigii koowaad ee howlgallada horeynta ee weli ka socda dalka, maadaama deegaano badan laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here