Faahfaahino kasoo baxaya dagaal mar kale ka qarxay duleedka Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa mar kale maanta ka qarxay deegaanada Samakaab iyo DhabanSaar oo ka tirsan gobolka Sool, kuwaasi oo dhaca xuduuda ay wadaagaan Sool iyo Togdheer.

 

Dagaalka ayaa muddo saacad ah socday, waxaana lagu soo warramayaa inuu ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu billowday aroornimadii hore ee saaka kadib markii ay weerar xoogan ciidanka Somaliland ku qaadeen fariisimaha  ciidanka SSC.

Somaliland ayaa dooneysa inay dib u durjiso ciidamada deegaanka oo aad ugu dhow laamiga dheer ee xiriiriya Burco iyo Laascaanood, kaas oo muhiim isku socodka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay labadad dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here