Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Mudug

0

GAALKACYO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug.

 

Duqeymaha ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay difaacyo uga jireen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay innoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi.

Deegaanka Shabeelow ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeyay ciidanka isbaheysanaya iyo Shabaab, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here