CAAD (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn ay maanta diyaarado dagaal ka gaysteen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.
Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay Al-Shabaab isku uruursanayay howdka u dhexeeya deegaanada Caad iyo Cadaley.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu burburiyey saldhigyo ku yaalla halkaas iyo gaadiid ay qaraxyo ku diyaarinayeen xubnaha Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in duqeynta oo dhacday saaka aroortii hore khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay dagaalyahanada Al-Shabaab.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga deegaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug.