Toogasho ka dhacday xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho xalay ka dhacday xaafadda Seybiyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Toogashada ayaa timid kadib markii nin ku hubeysan mindi uu weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa halkaasi, isaga oo ku qaylinayao Allaahu Akbar, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay toogasho ku dhaawaceen ninkaasi, kadibna la qabtay, ayada oo la geeyay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in haatan ay wadaan baari ku aadan dhacdadaas iyo waxa uu ahaa ninka weerarka kusoo qaaday ciidamada.

Xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa daganayd maalmihii u dambeeyay, waxaana howlgallo ballaaran ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Xasilinta Caasimada ee Boolis Milataaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here