Faahfaahino kasoo baxaya howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa xalay howlgallo culus ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir

 

Howlgalkan oo ahaa amni xaqiijin ayaa waxaa horkacayay taliyaha booliska saldhiga Kaaraan Kabtan Cabdiqani Xasan Fooley, kaas oo la hadlay qaar kamid ah dadka deegaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in haatan uu wanaagsan yahay amniga degmada Kaaraan, isla-markaana la ciribtiray kooxihii ciyaal weerada ah iyo kuwii kale ee dhibaatooyinka xoogan ka gaysan jiray gudaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo sii xoojiyo amniga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here