Sawirro: Aadan Madoobe oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka

0

WASHINGTON (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaalada guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington, waxaana uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo Kooxda Khawaarijta Al Shabaab, waxaana uu Guddoomiyaha jaaliyada reer Washington ku dhiirageliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here