Faahfaahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Shabeelaha Dhexe + Khasaaraha

0

RUUN-NIRGOOD (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kaas oo maanta ka dhacay deegaanka Daaru-nimca ee gobalka Sh/dhexe.

 

Miinada ayaa haleeshay mooto fekon ah oo uu wateen nin lagu magacaabo Abuukar Miinaay oo ahaa xoghayihii degmada Ruun-nirgood, sidoo kalena ahaa oday si weyn looga yaqiinay Daaru-nimca.

Sidoo kale waxaa goobta ku geeriyooday askari lagu magacaabi jiray Cabdi Markab oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Shalay ayay aheyd markii ay Al-Shabaab weerareen deegaanka Daaru-nimca, halkaas oo uu kadib ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ragga weerarka qaaday.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaas ayaa waxa ay shaacisay inay la wareegtay Daaru-nimca, sidoo kalena ay cagta marisay saldhigyadii ku yaallay gudaha deegaankaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here