Madaxweynaha JFS oo ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda u huray ka mira-dhalinta halgankii xornimada dalkeenna iyo difaaca qaranka ayaa ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ayaa tilmaamay qiimaha ay inaga mudan yihiin wayneynta geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda Qarannimadeenna iyo kuwa hadda ku sugan jiida hore ee furumaha dagaalka si ayAl shabaab uga saaraan guud ahaan dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

Xarunta madaxtooyada ayaa lagu qabtay munaasabadan oo u dhacday si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here