Agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin ayaa maanta magacaabay madaxa shaqaalaha ee hay’addaas, kadib markii mas’uulkii horey xilkaas u hayey uu ka qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Taliyaha nabad siuida ayaa madaxda cusub ee shaqaalaha ee hay’adda u magacaabay Cabaas Yacquub oo bedalaya Cabdullaahi Kulane.
Cabaas ayaa sidoo kale ah sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka, wuxuuna ahaa madaxa maamulka, maaliyadda iyo tiknoolijiyadda ee NISA.