Madaxweyne Lafta Gareen oo dib ugu laabtay Koonfur Galbeed

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Lafta Gareen, oo muddoo kooban ku hakaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa usii ambabaxay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaarka ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dib u laabashada Lafta Gareen ee Baydhabo ayaa waxa ay kusoo aadeysaa, xilli ay Koonfur Galbeed u diyaar garowday qabashada doorashada, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here