Hay’adda FAO oo Digniin ka soo saartay Ayax kusoo wajahan Soomaaliya

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay raxan Ayax ah oo la filayo inay ku soo degaan qaybo ka mid ah dalalka  Itoobiya iyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxa lagu sheegay in kastoo meelo kamid ah Soomaaliya & Itoobiya uu ka da’ay roob taasina ay yareysay cabsida laga qabay ayaxaaya hadana waxaa laga cabsi qabaa in Soomaaliya & Itoobiya markale lagu arko ayax farabadan oo dhibaatoyin kala duwan geysta.

Hay’adda FAO ayaa saadaalisay saameynta uu bariga Itoobiya & Waqooyiga Soomaaliya  ka geystay Ayaxa, sidoo kalena labada dal uu Ayaxa kuso wajahan yahay dabayaaqada Bisha aan kujirno ee June, sidoo kalena waxaa la sheegay in ay macquul tahay in uu gaaro dalka Kenya oo deris la ah labada dal.

Sida laga soo xigtay FAO, hawlgallada hawada ka sokow, sahminta dhulka iyo kooxaha xakamaynta ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona helitaanka iyo yareynta Ayaxaka ka hor inta uusan si xooagn u soo gaarin Somaaliya iyo Kenya.

Dhowr jeer oo hore ayaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya meelo badan oo kamid ah waxaa ku habsaday Ayax  farabadan, kaas oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo baxayay Beero ku yaal Koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here