Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shir Madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Aby Ahmed ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood Soomaaliya & Itoobiya

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here