Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here