Farmaajo oo magacaabay guddiga qaban qaabada munaasabadda xil-wareejinta

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan booqasho iyo salaan ah waxa uu Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15-kii bishaan May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale magacaabay guddiga qaban qaabada xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Farmaajo ayaa faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta oo la filayo inay dhacdo todobaadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here