Sawirro: Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

 

Farmaajo ayaa waxaa garoonka magaaladaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, mas’uuliyiin kale iyo shacab.

Intaas kadib madaxweynihii hore ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada Puntland, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono Saciid Deni.

Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada-hadlaan xaaladda dalka iyo arrimo kale oo quseeyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

Labada nin ayaa si weyn u diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhammeystirka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo ay haatan ka doodayaan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada: 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here