DOOXA (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa soo dhoweeyay shirka wada tashiga ee uu iclaamiyay madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxdii hore iyo kuwa hadda inay ka wada qayb-galaan shirkaasi oo muhiimad u leh xaaladda dalka.
“Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.
Sidoo kale wuxuu farriin culus usoo diray baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo ka dalbaday inay ka war sugaan shirkaasi, maadaama ay dood ka taagan tahay wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah ee dalka.
“Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu yri “Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka”
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan lagu jiro xilli xasaasi ah oo ay mucaaradka, Puntland iyo dowladda federaalka ay isku hayaan wax ka beddalka dastuurka dalka.