Duqa magaalada Muqdisho “Banaanbax aynaan ogeyn ma dhici karo”

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aynan ka dhici karin dibadbaxyo uusan ka war heyn maamulka gobolka.

Cumar Filish ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh, isaga oo shaaca ka qaaday in aan la aqbali doonin in caasimadda ay ka dhacaan banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir

Sidoo kale wuxuu shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga guud ee caasimadda.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii Muqdisho lagu qabtay shir looga arrinsanayo amniga caasimadda oo ay ku sugnaayeen guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here