Fowsiyo oo ku dhawaaqday inay tahay Musharax u taagan xilka Midowga Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, oo doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda.

 

Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Foosiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here